Sunday, February 9, 2025

Gudoomiye Madaale oo isbitaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido.

Duqa Muqdisho ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay shuhadadii ku shahiiday weerarkaasi.

Guddoomiyaha Ggobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay takhaatiirta iyo goobaha caafimaadka in sida ugu wanaagsan oo aan shuruud ku xirneyn ay ula tacaalaan caafimaadka dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii ka dhacay Liido.

Duqa magaalada Muqdisho ayaana ballanqaaday in maamulka gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doonno garab istaaga iyo gacan siinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii xalay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii Al Shabaab geesteen..

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles