Friday, April 10, 2026

Madaxweyne Cirro oo isbitaalada Hargeysa ku booqday dadkii ku soo dhaawacmay Boorama

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka subaxnimadii booqday Dhakhtarka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu mid mid u booqday bukaannada, isaga oo u muujiyey dareen naxariis leh, isla markaana ka xog-waraystay xaaladdooda caafimaad. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu si buuxda u garab taagan tahay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dhacdadaas, isla markaana ay heli doonaan daryeel iyo taageero joogto ah.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka, maamulka iyo shaqaalaha Dhakhtarka Guud ee Hargeysa uga mahadnaqay dedaalka ay ku bixiyeen daryeelka bukaannada, isaga oo ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu gaadhay, isaga oo Alle SWT uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladii ay dhibaatadu taabatay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles