Madaxweyne Trump oo warqad u diray madaxwaynaha Eritrea

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqad u qoray madaxweynaha Eritrea Isayas Afawarqi, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yamane Gabremasaqal.

Sida uu Yamane Gabremasqal ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga X, farriinta Trump ee Madaxweynaha july 30,2025 “Washington waxay doonaysaa inay dib u soo celiso xiriirkii ixtiraamka iyo wax dhisida lahaa ee Asmara”

“Xiriirka ku saleysan runta iyo is ixtiraamka ayaa wanaajin doona fursadaha nabadeed ee bariga Afrika iyo Badda Cas,” ayuu yiri sarkaalka Eritrea.

Sida laga soo xigtay Yemen, Trump wuxuu dib u hagaajin doonaa burburka iyo dhibaatooyinka maamulka Biden uu ku abuuray adduunka.

Intii uu ku sugnaa Aqalka Cad, maamulka Joe Biden waxa uu cunaqabatayn ku soo rogay hay’adaha ammaanka Eritrea iyodhinacyadii ku lugta lahaa dagaalka Tigray.

Dhanka kale, maamulka Donald Trump ayaa xayiraad guud oo dhanka fiisaha ah ku soo rogay Eritrea, oo ay ku jiraan 11 dal oo kale, tan iyo bishii hore, iyagoo ku sababeeyay “walaac dhanka ammaanka ah oo qaranka ah.

Wareysi uu siiyay telefishinka Eritrea 19-kii November, ayuu madaxweyne Isayas ku sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu xiriir “saaxiibtinimo” la sameeyo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaaladii ugu horeeyay ee lagu wanaajin lahaa xiriirka labada dal ay fashilmeen, islamarkaana shaqada ay sii socon doonto.

Xigasho:- BBC

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles