DFS oo diyaarisay ciidamadii ugu badnaa oo loogu tala-galay inay dib ula wareegaan Aadan Yabaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan howlgallo ballaaran oo lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal.

Ciidankan oo lagu soo bandhigay deegaanka Garasweyne ayaa lagu sifeeyay kuwa si gaar ah loo tababaray, kuna qalabeysan agab casri ah oo loogu talagalay in lagu fuliyo hawlgallo culus oo la xiriira sugidda amniga iyo dib u soo celinta maamulka dowladda ee degmooyinka muhiimka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay in abaabulkaan uu yahay mid qayb ka ah wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo looga gol leeyahay in laga xoreeyo dhammaan deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobollada bartamaha dalka.

Howlgalka ayaa lagu wadaa in uu bilaabmo maalmaha soo socda, waxaana lagu saleeyay qorshe la isku dhafay oo ay qayb ka yihiin ciidamada xoogga dalka, kuwa Booliiska iyo xoogagga deegaanka.

Degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa xiligan gacanta ku haya maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles