Friday, November 7, 2025

DFS oo diyaarisay ciidamadii ugu badnaa oo loogu tala-galay inay dib ula wareegaan Aadan Yabaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan howlgallo ballaaran oo lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal.

Ciidankan oo lagu soo bandhigay deegaanka Garasweyne ayaa lagu sifeeyay kuwa si gaar ah loo tababaray, kuna qalabeysan agab casri ah oo loogu talagalay in lagu fuliyo hawlgallo culus oo la xiriira sugidda amniga iyo dib u soo celinta maamulka dowladda ee degmooyinka muhiimka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay in abaabulkaan uu yahay mid qayb ka ah wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo looga gol leeyahay in laga xoreeyo dhammaan deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobollada bartamaha dalka.

Howlgalka ayaa lagu wadaa in uu bilaabmo maalmaha soo socda, waxaana lagu saleeyay qorshe la isku dhafay oo ay qayb ka yihiin ciidamada xoogga dalka, kuwa Booliiska iyo xoogagga deegaanka.

Degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa xiligan gacanta ku haya maleeshiyaadka Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles