Madaxweyne Xasan Oo Qaabilay Gudoomiyaha Baarlamaanka EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka.

Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka.

WARARKII KALE

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

Sagal Cabdiweli oo Soomaali ah oo ku guuleysatay kursigii Keir Starmer

Sagal Cabdiweli oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool...

Toogasho ka dhacday magaalada New York iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan socdaalka iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles