Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay magaalada New York, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Aleksandar Vučić, iyadoo kulankan gaarka ah uu dhacay inta lagu guda-jiro shirka 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. UNGA 81.
Labada Madaxweyne waxay sii ambaqaadeen wadahadalladii ka soo bilowday kulan madoodii dhawaan ka dhacay Belgrade, 31 August iyo September 1-2 ee 2026.


