Monday, August 17, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Isbitaal casri ah oo Muqdisho laga hirgaliyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.

โ€œArrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeenโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka.

Isbitaalka Hodan ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles