Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey shirweynaha Tamarta Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kordhinta tayada iyo awoodda Tamarta, taas oo aasaas u ah horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya casri ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha, kuwaasi oo Mustaqbalka noqon kara ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka.

“Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso waxa uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo. Maanta dadkayagu kala bar “50%”ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkan ay ku wehelinayaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa u soo bandhigay Daneeyeyaasha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan maalgashiga Mashaariicda Tamarta Soomaaliya oo ah suuq weyn oo dihan.

Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray “Bayaanka Daaru-Salaam”, kaas oo ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan marka la gaaro sanadka 2030.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles