Friday, April 10, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga hadlay shirka mucaaradka ee ka socda magaalada Kismaayo, xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabadda sanad-guurada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ku shiraya Kismaayo in ay la yimaadaan talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ay ummadda Soomaaliyeed fahmi karto, isaga oo xusay in dowladda ay diyaar u tahay tanaasul iyo wadahadal miro dhal ah.

“Walaalaha Kismaayo waxaan leeyahay; haddaad isku timaadeen, tashada ra’yi la imaada. Lama aadi karo Kismaayo oo diyaaradaha ka xira ma lihin wax la fahmi karo oo ummadda Soomaaliyeed fahmi karto. Tanaasul ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in xorriyadda hadalka ay ka jirto dalka, islamarkaana mucaaradku xaq u leeyahay in ay aragtidooda cabbiraan, balse uu jiro xad u dhexeeya hadal iyo fal hubeysan.

“Waa hadli kartaan, waana iska qeylin kartaan, waa dimuqraadiyad—inta hadalku joogo xor baad tihiin. Balse maalinta aad qori soo qaadataan, gacantaa la idinka qabanayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku dhaliilay mucaaradka in aysan keenin wax cusub marka loo eego doodihii hore, isaga oo sheegay in wax la mid ah shirarka hore aysan xal u noqon karin xaaladda dalka.

“Aniga ma aqaan caqli Hotel Jazeera markii la joogay soo kordhi waayay oo Kismaayo kasoo kordhaya,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli shirka mucaaradka ee Kismaayo uu si weyn u soo jiitay indhaha siyaasadda dalka, iyadoo la sugayo natiijooyinka ka soo bixi doona kulamada halkaas ka socda.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

Mucaaradka oo dib u dhigay shirkii ay ku balansanaayeen

Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo...

Xisbullaah oo sheegtay in ay weerareen askar ka tirsan Israa’iil

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadeedu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles