Sunday, June 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.

“Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan  diinta, afka, midnimada iyo wadajirka, taas oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, haddaba diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay, waxaana jiro khataro badan, qofka rabaa in uu qeybiyo dadkeenna hab qabiil iyo mid deegaan kuma qeybin karo, waana sababta ay khawaarijta iyo kuwa wadajirkeenna dhibayo ay u soo mareen dhanka diinteenna suubban ee aynu ku midaysannahay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay Xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaas.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ummadda iyo culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig) oo door muhiimka ahaa ka soo qaatay faafinta diinta islaamka iyo baridda dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles