Monday, March 16, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.

“Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan  diinta, afka, midnimada iyo wadajirka, taas oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, haddaba diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay, waxaana jiro khataro badan, qofka rabaa in uu qeybiyo dadkeenna hab qabiil iyo mid deegaan kuma qeybin karo, waana sababta ay khawaarijta iyo kuwa wadajirkeenna dhibayo ay u soo mareen dhanka diinteenna suubban ee aynu ku midaysannahay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay Xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaas.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ummadda iyo culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig) oo door muhiimka ahaa ka soo qaatay faafinta diinta islaamka iyo baridda dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo magacawday Afhayeen cusub una diyaar garowday dagaal

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi...

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran Hindiya

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Dilka Askari Ka Tirsanaa Booliiska Puntland oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca waqooyi, lagu...

Khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay MW Xasan Sheekh iyo Lafta Gareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf siyaasadeed oo...

Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish

Wang Yi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee China, ayaa kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles