Tuesday, August 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey fadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey guulaha ciidamada qaranka iyo xoogagga shacbiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna saaxiibbada caalamiga ah ku dhiirri geliyey doorkooda dagaalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey dadaallada dowladdu ay ku xaqiininayso dhisidda nidaam dimuqraadi ah oo daah-furan, waxa uuna sheegay in Soomaaliya u socoto doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay 57 sano la qaban doono, taas oo diiwaangelinteedu ay si habsami leh u socoto, ayna ay ka qeyb qaadanayaan ururo siyaasadeed oo badan.

Dhanka horumarka iyo dhaqaalaha, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoojinta dakhliga gudaha, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka iyo caalamka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xasilloonida gobolka, xuquuqda dowladnimo ee walaalaha Falastiin, iskaashiga caalamiga ah iyo mudnaanta ay leedahay in wadajir loo wajaho halista isbeddelka cimilada oo saameyn weyn ku yeeshay wax soosaarka beeraha iyo nolosha malaayiin qoys oo reer guuraa ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles