Mahad Salaad oo odayaasha dhaqanka ugu baaqay in la joojiyo colaadaha Galmudug

Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo tagay magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas, madaxda Galmudug, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ka fogaanshaha colaadaha dadka walaalaha ah ee wada dega waqooyiga gobolka Galgaduud, iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada ammaanka.

Taliyaha ayaa si qoto dheer uga hadlay saamaynta ay colaadaha beeluhu ku leeyihiin guud ahaan Galmudug, doorka ay ku leeyihiin amni darrada, iyo sida ay u carqaladeeyaan isu socodka iyo isdhexgalka bulshada.

Waxa uu si gaar ah odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta kala duwan ugu baaqay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu joojinayo colaadaha muddada dheer ragaadiyay deegaannada kala duwan ee Galmudug.

Gabagabadii, mas’uuliyiintii, odayaashii dhaqanka iyo qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qaybgalay kulamada ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Hay’adda NISA doorkiisa ku aaddan nabadaynta, xasillinta iyo horumarinta guud ahaan Galmudug.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles