Thursday, March 12, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geystay degmada Qoryoolay

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa suuq-yaraha degmadaas, taas oo sababtay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, weerarkan ayaa sababay geerida hal qof iyo dhaawaca laba kale.

Qofka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Shiikhaaley, oo la sheegay inay ahayd haweenay suuqa ku ganacsan jirtay si ay nolol ugu raadiso qoyskeeda.

sidoo kale laba qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen maleeshiyaadka, kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo mid ka mid ah cisbitaalada ku yaala degmada Qoryooley gobolka shabeelaha hoose.

Falka kadib maleeshiyaadkii hubeysnaa ee rasaasta furay ayaa isaga baxsaday goobta.

Dadka deegaanka ayaa Cabsi xoogan ka muujiyey Falka ay geesteen Maleeshiyaadka hubeysan iyaga oo mar kale ka baqaya in dhacdo taa lamid ah ay deegaanka ka dhacdo.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, mana jirto cid si rasmi ah loo xiray ama loo tuhunsan yahay falkaas.

Inta badan dagmada qoryooley ee gobolka sh.hoose waxaa ka dhaca dagaal beeleeyo sababa dhimasho iyo dhaawac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay saldhigyada Daacish ee Buuraha Calimiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn...

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles