Saturday, March 14, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo saaka weerar ku qaaday Saldhiga ciidanka Puntland ee Boosaaso

Kooxo hubaysan ayaa aroortii hore ee saaka weerar culus ku qaaday saldhigga bartamaha Boosaaso, Xabado culus oo ay dhinacyadu is-weydaarsanayeen ayaa si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada xilligii salaadda subax.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysan laga qabtay hub ay kala soo dageen xeebta magaalada Boosaaso, kadib markii xalay ciidamada ammaanka ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa dhintay, halka uu jiro dhaawac, Hubka kooxdaasi weli wuxuu gacanta ugu jiraa ciidamada dowladda.

Xaaladda magaalada ayaa haatan dagan, sida ay xaqiijiyaan wararka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles