Kooxo hubaysan ayaa aroortii hore ee saaka weerar culus ku qaaday saldhigga bartamaha Boosaaso, Xabado culus oo ay dhinacyadu is-weydaarsanayeen ayaa si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada xilligii salaadda subax.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysan laga qabtay hub ay kala soo dageen xeebta magaalada Boosaaso, kadib markii xalay ciidamada ammaanka ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi.
Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa dhintay, halka uu jiro dhaawac, Hubka kooxdaasi weli wuxuu gacanta ugu jiraa ciidamada dowladda.
Xaaladda magaalada ayaa haatan dagan, sida ay xaqiijiyaan wararka.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.