Tuesday, January 13, 2026

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo jab lagu gaarsiiyay Hiiraan

Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii ciidamadu heleen xog sugan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay khawaarijtu ka wadeen deegaannadaas, waxaana la sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-shabaab iyadoo laga hortagay qorshayaal ay ku dhibaateynayeen shacabka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan illaa laga ciribtiro maleeshiyada Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaysa qeybo kamid ah gobolka, iyagoo xusay in amniga guud ee deegaannada la xaqiijinayo.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya xaq-u-dirirka shacabka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Hiiraan.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles