Thursday, February 6, 2025

Maraykanka oo iska soo ridey diyaarad dagaal

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagu soo riday badda cas, kadib markii uu si kama ah u toogtay” Markab Mareykanku leeyahay”, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Laba duuliye oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ee F/A-18 Hornet ayaa si nabad ah uga badbaaday, iyadoo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay Taliska Dhexe.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu qaaday weeraro is xigxigay oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday goob lagu keydiyo gantaallada iyo xarumaha laga hago ee caasimada Yemen ee Sanca oo ay maamulaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay sidoo kale duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta iyo gantaallada lidka maraakiibta badda cas.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in shilku si kama ah u dhacay oo aanu ku tala gal ahayn.

“Markabka laga rido gantaallada la hago ee USS Gettysburg, oo ka tirsan kooxda USS Harry S Truman Carrier Strike Group, ayaa si qalad ah u ridey oo ku dhuftay diyaaradda F/A-18, taasoo duuleysay hawada USS Harry S Truman,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray taliska dhexe ee Mareykanka.

Horey ayaa taliska dhexe ee Mareykanku u sheegay in duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Sanca looga dan leeyahay “in lagu carqaladeeyo laguna wiiqo hawlgallada Xuutiyiinta, sida weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsi ee ku sugan Koonfurta Badda Cas, gaarahaan Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed”.

Milateriga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen “dhowr meelood oo ay yaalliin aalado is wado oo Xuuthiyiintu leeyihiin , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada lidka maraakiibta.

Xuutiyiinta, oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib markii uu billowday dagaalka Qasa, toddobadii Oktoobar sanadkii 2023-ka, iyagoo sheegay inay ay garab siinayaan Falastiiniyiinta.

Tan iyo bishii Nufeembar 2023-ka, weerarrada gantaallada ee Xuutiyiinta ayaa laba markab ku quusiyay badda cas, kuwa kalena waxyeello u geystay. Waxay ku andacoodeen, inta badan inay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee laga leeyahay Mareykanka iyo Uk.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, Mareykanka, UK iyo 12 waddan oo kale ayaa bilaabay Hawlgalka Ilaalinta Barwaaqada badda si ay uga hortagaan weerarada marinnada maraakiibta Badda Cas.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles