Mareykanka oo bilaabay qorshe cafis loogu fidinayo maleeshiyaadka Qaza ee hubka dhiga

Dowladda Mareykanka ayaa billowday qorshe cusub oo ay ku dooneyso in ay ka dhisto Marinka Gaza xarumo ‘dib u heshiisiin, taas oo dagaalyahannada ogolaanaysa in ay hubkooda dhiibaan fursad loo siiyo cafis iyo in ay si badbaado leh ugu laabtaan nolosha rayidka.

Si taas loo gaaro, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Khamiistii tagay Israa’iil si uu u fuliyo qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee marinka Gaza, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Imaatinka Rubio ayaa daba socda ka tegitaanka madaxweyne ku xigeenka JD Vance, iyadoo saraakiisha sarsare ee Aqalka Cad, oo uu ku jiro wiilka uu soddogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner, ay soo gabagabeeyeen booqashooyinkooda dalka.

Dhammaantood waxa ay ka qayb qaadanayaan dadaallada lagu doonayo in lagu joogteeyo xabbad-joojin 13 maalmood ah oo u dhaxaysa Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, laba sano ka dib dagaal ruxay Bariga Dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta guul laga gaaro heshiiskii Qaza, isagoo ugu baaqay Xamaas iyo Xarakada Jihaad Islaami in ay dagaalka joojiyaan oo ay hubka dhigaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles