Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada
1ada luulyo la wadaagay Dowaladda iyo Shacabka Jamhuuriyada Soomaliya.
Xoghayaha Arimah dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa yiri” waxaan ugu hambalyeeyneena jamhuuriyada federaalka soomaaliya munaasabada 66 sano guuradii ka soo wareegatay markii ay isku biireen goboladda waqooyi iyo koonfur ee soomaliya dibna loo asaasay jamhuuriyadii Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu u fidinayo Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo musuqmaasuqa, isagoo sidoo kale muujiyay rajada laga qabo in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida.


