Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 12-kii September 2025 fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntu waxay ka dhacday deegaanka ku dhow magaalada Ceel Dheer, oo qiyaastii 288 km u jirta caasimadda Muqdisho dhanka waqooyi-bari.
Taliska AFRICOM ma sheegin tirada xubnaha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta.
AFRICOM ayaa sheegay in, iyagoo garab socda Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ay sii wadaan howlgalada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, si ay u joojiyaan khataraha ka dhan ah Mareykanka, ciidamada iyo muwaadiniinta ku sugan dibadda.
Taliska Mareykanka wuxuu intaas ku daray in faahfaahinta ku saabsan cutubyada iyo hantida la adeegsaday aan la shaacin, si loo ilaaliyo sirta iyo amniga howlgalada socda.