Friday, March 21, 2025

Mareykanka oo ka digay weeraro ay Al-shabaab ka fuliyaan Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin amni, iyadoo ka digtay khataro amni oo ku saabsan weeraro lagu bartilmaameedsado goobo badan oo Muqdisho ka mid ah oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda.

Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin ku saabsan weerarrada la filan karo, balse safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo ay ku jirto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda.

Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Safaaradda ayaa sheegtay in  kooxaha argagixisadu ay ku howlan yihiin abaabulka qaraxyo iyo weeraro. Waxayna sheegtay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli ah mid qasan.

Digniintan kaddib laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa la galiyay feejignaan dheeri ah, iyadoo aad loo adkeeyay amniga goobaha ay digniintu ku wajahan tahay. Digniintan ayaa ku soo aadeysa, xilli ay dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab ay ku dagaalamayaan gobolka Shabeellada dhexe.

 

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles