Tuesday, March 3, 2026

Mareykanka oo sahay milatari ku taageeray ciidamada Puntland

Ciidanka difaaca Puntland ayaa xalay lagu taageeray sahay milatari iyo agabyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo diyaarado Maraykan ah hawada kaga tuureen buuraleyda bartamaha Puntland, halkaas oo ay ciidamadu howlgallo ka wadaan.

Sahaydan ayaa laga raray garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana loo qeybiyay cutubyo ciidan oo ku sugan meelo ka tirsan buuraleyda Galgala iyo agagaarka Calmadow, halkaas oo ay howlgallo joogto ah ka wadaan si ay uga sifeynayaan kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradaha Maraykanka ee hawada sare ka duulaya ayaa loo adeegsaday in sahayda si sax ah loogu tuuro meelaha ay ku sugan yihiin ciidanka, iyadoo ay adag tahay in sahay dhulka lagu gaarsiiyo sababo la xiriira degaanka buuraleyda ah ee aan gaadiidku marin karin.

Sahayda la geeyay ayaa la sheegay inay ka koobneyd, Cunto qalalan iyo biyaha nadiifta ah, Agabka caafimaadka degdegga ah, Rasaasta iyo qalabka isgaarsiinta iyo Bacaha hoyga, nalal, iyo qalab dheeri ah oo ay ciidamada u baahan yihiin.

Ciidamada Puntland ayaa weli howlgal culus ka wada Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles