Maraykanka ayaa daaha ka qaaday qorshayaal uu ku abuurayo “Qaza cusub” taas oo dhulka Falastiin ee burburay dib looga soo dhisi doono meel eber ah.
Qorshahaas la soo bandhigay ayaa muujinaya tiro dhismayaal dhaadheer oo ku fidsan xeebta Mediterranean-ka iyo kuwo la dego oo ku yaala aagga Rafax, iyo sidoo kale khariidad muujinaysa horumarinta wejiyada leh ee deegaamaynta, beeraha iyo warshadaha cusub ee dhulka ay ku nool yihiin 2.1 milyan ee qof.
Arrintan waxay timid intii lagu jiray xaflad lagu saxiixayay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ee Golaha Nabadda ee cusub ee Madaxweyne Donald Trump, kaas oo loo xilsaaray soo afjarida dagaalka labada sano socday ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas iyo kormeerida dib u dhiska.
Trump ayaa ku yiri “Guul weyn ayaan ka gaari doonnaa Qaza, waxay noqon doontaa wax cajiib ah in la daawado”.
Trump waxa uu intaa ku daray, “Anigu waxaan ahay nin hanti ma guurto ka shaqeeya, waxayna arrintan ku saabsan tahay goobta, waxaan iri, ‘Bal u fiirso meeshan badda u dhow, bal u fiirso goobtan quruxda badan, maxay uga dhigan tahay dad badan”.


