Wasaaradda Amniga Gudaha ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 12 qof ay xireen ku ciidamada Laanta socdaalka ee ICE, xabsi ku yaalla magaalada Minneapolis laga soo bilaabo kowdii bsihan December.
Dadka la xiray waxaa ka mid ah shan nin oo Soomaali ah, lix u dhashay dalka Meksiko iyo hal qof oo ka soo jeeda dalka El Salvador.
Kala bar ragga la qabtay waxaa lagu helay dambiyo sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga gudaha Mareykanka.
Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo howgallo soo galootiga Sooomaalidu ka mid tahay lagu qabqabanayo ay ka socdaan magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul.


