Madaxweynaha Eritariya, Isaayaas Afewerki ayaa Khamiistii u duulay magaalada Qaahira ee waddanka Masaarida. Waa booqasho qaadan doonta shan maalmood.
Wasiirka Warfaafinta Eritariya, Yamana Gebremasqal ayaa sheegay in Isayas iyo Cabdalfataax al-Sisi ay yeesheen “wadahadallo ballaadhan” galabnimadii Khamiista.
Madaxweynaha dalkaasi, Isayas Afewerki oo xilligan uu khilaaf kala dhexeeyo saaxiibkiisii hore, raysalwsaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa muddooyinkan dambe dawladiisu ay eedaymmo u soo jeedinaysay xisbiga talada Itoobiya haya ee la yidhaahdo Barwaaqo.
Dhanka kale, Madaxweyne al-Sisi ayaa intii lagu jiray wadahadallada sheegay, in Masar ay taageereyso “madax-bannaanida iyo xuduudaha Eriteriya.”


