Madaxdii hore ee dalka soo maray iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Shirweynahan Golaha Mustaqbalka Siyaasadeed ayaa si weyn looga soo horjeedaa sida ay xiliggan wax u wado dowladda Soomaaliya.
Shirka Kismaayo ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa la sheegay in looga arrinsan doono dhammeystirka qaab-dhismeedka golahaas iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka.
Xubno ka tirsanaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta kala tagaya magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Nairobi.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu daadiyay ciidamado si weyn u sugayo amniga.


