Wednesday, July 30, 2025

Maxaa looga hadlay kulanka Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka?

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wada-hadallo khadka telefoonka ah la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Intii lagu jiray wada-hadalladaasi, Madaxweynaha iyo Wakiillada Beesha Caalamka waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah la iskugu yimaado madal loo dhan yahay, si go’aan looga gaaro arrimaha hortabinta leh ee ay ka mid yihiin Dastuurka, Doorashooyinka, iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa imaanaya xili Xubnaha Beesha Caalamka kol sii horeysay ay kulamo la qaateen Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale kulamadan ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili dowladda Soomaaliya ay wado in ay qabato shir ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta mucaaradka, hoggaanka ururada Siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Beesha Caalamka ayaa bilaabay in ay caddaadis saaraan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles