Xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa weli si xooggan looga dareemayaa deegaanada ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo xaaladdu ay u muuqato mid sii cakirmeysa.
Wararka ayaa sheegaya in abaabulkan ay wadaan masuuliyiin taageersan Somalia, balse si cad uga soo horjeeda madaxweynaha maamulkaasi Abdi Aziz Laftagareen.
Dhanka kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa heegan geliyay ciidamada daraawiishta ee maamulka, isagoo sidoo kale si weyn u adkeeyay amniga wadooyinka soo gala magaalada Baydhabo.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in tallaabooyinkan looga gol leeyahay in uu kaga hortago abaabulka siyaasadeed ee socda, isla markaana uu u diyaargaroobo qabashada doorashada maamulka.
Waxaa sidoo kale Baydhabo ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu shaacin lahaa jadwalka doorashada, taasoo sii kordhisay xiisadda ka taagan gudaha maamulka.
Dhanka kale, warar isa soo taraya ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka ay markale ciidamo u dirtay degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, taasoo qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobolka.


