Monday, February 23, 2026

Maxay ka wadahadlayaan DFS iyo Beesha caalamka?

Sida ay sheegayaan wararka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan muhiim ah la yeelato wakiillada beesha caalamka, shirkan oo ay si rasmi ah u codsatay dowladda.

Kulanka waxaa dowladda ku meteli doona Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Jaamac iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dhinaca beesha caalamka, waxaa ka qeyb geli doona safiirrada dalalka iyo hay’adaha ku mideysan madasha C6+, kuwaas oo si dhow ula socda geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro ismari-waa siyaasadeed oo ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo nooca doorasho ee dalka la gelinayo.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka, warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee cakiran iyo doorka beesha caalamka ee xal u helidda khilaafaadka jira.

Sidoo kale, shirka waxaa la filayaa in looga hadlo sidii loo dardargelin lahaa wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda iyo arrimaha bani’aadannimo, gaar ahaan xaaladda abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka iyo xoojinta taageerada caalamiga ah ee gurmadka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada kulanka ku saabsan qodobada kama dambaysta ah ee la isla meel dhigayo, balse waxaa la filayaa in natiijada kulankan ay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee dalka maalmaha soo socda.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay inuu burburay wadaxaajoodkii ay kula jireen MW Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay...

Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa...

DFS oo cambaareysay dad lagu dilay Nigeria

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro...

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday Mucaaradka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada...

Abiy Axmed: “Waxaan dhisnay ciidan la dagaallama argagixisada Soomaaliya”

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay dhistay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles