Wednesday, February 18, 2026

Maxay ka wadahadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, caasimadda Kenya, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Kenya, Moses M. Wetang’ula.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa hambalyo u diray Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur xilka uu ka hayo shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaanadda ururka Bulshada Bariga Afrika, doorashada xubnaha Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhigiisa Kenya uga tacsiyeeyey geerida ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaasi, Raila Odinga. Sidoo kale, wuxuu dhigiisa ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya martigelin doonto bisha May sanadka 2026.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray:

• Dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada labada wadan.

• Qibrad is-weydaarsiga xildhibaanada labada baarlamaan.

• Xoojinta wada-shaqeynta guud ee labada baarlamaan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xas

WARARKII KALE

Muxuu Erdoğan ka yiri aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil?

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in aqoonsiga hal...

RW Xamsa oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Deni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa...

Trump oo booqan doona Venezuela

Kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu soo afmeeray...

Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dunida Muslimka oo maanta sooman

Malaayiin qof oo ku nool daafaha dunida ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles