Saturday, February 28, 2026

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo Seddexda dowlad goboleed ee ku shiray Muqdisho?

Shirkii u dhexeeyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada, iyadoo diiradda lagu saaray xalinta khilaafaadka siyaasadeed iyo xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uu madaxda maamul-goboleedyada ka raalli geliyay qaladaadkii dhacay, gaar ahaan kuwa ka yimid xubno ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kuwaas oo dhaawacay kalsoonidii siyaasadeed ee kala dhaxaysay Laftagareen, Guudlaawe iyo Qoorqoor.

Waxaa la isla qaatay in kulamada dhexdooda ah ay sii socdaan si loo dhameeyo khilaafka ka dhex jira xisbiga JSP, islamarkaana loo adkeeyo wadashaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya safar uu ku tagayo dalka Qatar, waxaana la filayaa in marka uu soo laabto la dhammeeyo arrimaha taagan iyo mideynta aragtiyada siyaasadeed.

Saddexda madaxweyne ee Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa weli ku sugan Muqdisho, iyagoo yeelanaya shirar gaar ah oo lagu falanqeynayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka siyaasadeed iyo wada shaqeynta dowlad goboleedyada.

Maamulka Galmudug ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si cad uga horyimid tallaabooyin iyo magacaabis uu sameeyay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah u diiday shakhsiyaad uu xisbiga JSP u magacaabay wakiillo degmooyin ka tirsan Galmudug.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa lagu sheegay in “waxba kama jiraan yihiin” magacaabistaas, isla markaana aysan u aqoonsanayn wax sharci ah oo ka jirta maamulka Galmudug.

Muranada siyaasadeed ayaa sii xoogaystay tan iyo markii xisbiga JSP lagu dhawaaqay 13-kii May ee sanadkan, xisbigaas oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Xisbiga waxaa ku midoobay madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, waxaana guddoomiye loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Cali Balcad oo muxuu ka yiri shir looga hadlay Qadiyada Falastiin ee ka dhacay Sacuudiga

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar...

Daa’ud Aweys “Taageerada Turkiga waxay xoojisay dagaalka Al-Shabaab”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac...

Burcad-badeed ku fashilantay afduub dooni Iiraan laga leeyahay oo ka dhacay xeebaha Eyl

Koox burcad-badeed ah oo ka baxday deegaanka Maraya ee...

Golaha Mustaqbalka iyo Shirka Difaaca Dastuurka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Golaha Mustaqbalka oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha kala...

Ciro oo ka hadlay aqoonsiga Israa’iil iyo dagaalka ka dhacay Sanaag

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles