Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta?

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka kula hadlay Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Ururka Dowladaha Carabta.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan khataraha ka imaan kara faragelinta Israa’iil.

Sidoo kale madaxda ayaa cambaareeyay wararka sheegaya in maamul goboleedka waqooyi-galbeed ee Somaliland uu qorsheynayo inuu furto safaarad uu ku leeyahay magaalada Quddus ee la haysto.

Waxaa kale oo la adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah looga hortago tallaabadan.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Gamal Roshdy, ayaa sheegay in labada dhinac ay adkeeyeen taageerada xasilloonida iyo nabadda gobolka, ilaalinta madax-bannaanida, xasiloonida, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo diidmada isku day kasta oo lagu wiiqi karo madax-bannaanida dalka oo xubin ka ah Ururka Carabta, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Ururka Carabta uu si buuxda u taageerayo Soomaaliya dhammaan tallaabooyinka ay qaadayso si ay ula tacaasho cadaadis kasta ama isku day kasta oo khatar gelin kara midnimadeeda iyo madaxbannaanideeda, isla markaana uu taageerayo dadaallada dowladda federaalka ah ee lagu xoojinayo wadahadalka qaran si loo gaaro heshiis siyaasadeed iyo xasilooni, si loo fuliyo danaha iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles