Wednesday, March 4, 2026

Maxay ka wadahadleen wasiirada Arrimaha dibada Masar iyo Soomaaliya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty., inta uu socdey shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii lagu guda-jiray kulankani, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray (Somaliland) ee gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya, iyagoo si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dhowrista sharciga caalamiga, iyagoo muujiyey taageeradooda dhammaan dadaallada lagu dhowrayo midnimada qaran iyo xasilloonida dalka.

 

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles