Trump oo ka digay weerar kale uu ku qaado Nigeria haddii la sii wado dilka Masiixiyiinta

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay inuu amri karo weerarro kale oo cirka oo uu ku qaado Nigeria, haddii la sii wado dilka Masiixiyiinta ee ka dhacaya dalka dhaca Galbeedka Afrika.

Wareysi uu siiyay wargeyska New York Times, Trump ayaa la weydiiyay in weerarradii Maalinta Kirismaska ee ka dhacay gobolka Sokoto ee waqooyiga Nigeria ee lagu bartilmaameedsaday kooxaha islaamiyiinta ay ahaayeen qayb ka mid ah olole militari oo ballaaran.

“Waxaan jeclaan lahaa in uu noqdo hal mar oo kaliya. Laakiin haddii ay sii wadaan dilka Masiixiyiinta, wuxuu noqon doonaa weerar joogto ah,” ayuu yiri.

Dowladda Nigeria ayaa horay u diiday eedeymihii Trump ee ahaa in ay ku guul-darreysatay ka ilaalinta weerarrada kooxaha jihaadiga ee ka dhanka ah masiixiyiinta , iyada oo sheegtay in “Muslimiin, Masiixiyiin iyo dadka aan diin lahayn” dhammaantood la beegsanayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles