Maxay ka wadahadleen wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Jabuuti

Wasiirka Gaashaandhigga,  Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed, oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF)

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga iyo difaaca, iyo wada-shaqeynta labada dal. Wasiir Fiqi ayaa ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ay ka qaadatay dhismaha dowladda Soomaaliya iyo ka qeybgalkeeda howlgalka AUSSOM, taasoo muujinaysa taageero joogto ah iyo garab istaag dhab ah oo walaaltinimo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Xogahayaha Joogtada Wasaaradda, Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles