Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in Kyiv iyo Yurub ay tahay in lagu daro qorshe kasta oo nabadeed oo Ukraine khuseeya, iyada oo Mareykankuna la sheegay inuu riixayo soo-jeedimo cusub oo u eg dalabaadka Ruushka.
Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska (Jean-Noel Barrot) ayaa sheegay in nabaddu aysan noqon karin isdhiibid.
Poland-na waxa ay tiri Ukraine waa dhibbane, lagamana yeeli karo in lagu soo rogo xaddidaadyo.
Saraakiil sare oo millateri oo Mareykan ah ayaa ku sugan Ukraine si ay uga wada hadlaan dadaallada lagu dhammeeynayo dagaalka.
Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo ku saabsan qorshe u baahan tanaasullo waaweyn oo Ukraine ka imanaya, oo ay ku jiraan inay ka tanaasusho dhul iyo in si weyn loo yareeyo ciidankeeda.


