Friday, July 10, 2026

Mucaaradka oo MW Xasan Sheekh ugu baaqay inuu joojiyo dhul boobka

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareysay xarigii iyo afduubkii ciidamada booliiska ee degmada Xamar Weyne ugu geysteen Nabadoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, kaasi oo ka hor yimid boobka iyo barakicinta ay dowladdu ka waddo magaalada Muqdisho.

Madasha ayaa ku tilmaantay xariga Nabadoon Xaadoole mid sharci-darro ah oo ka dhashay mowqifkiisa geesinimada leh ee uu kaga horyimid boobka dhulka iyo hantida shacabka, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay muujinayso dulqaad yarida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo isku day lagu caburiyo codka shacabka.

“Xorriyadda hadalku waa xuquuq dastuuriyan la ilaaliyo, mana bannaana in qof lagu ciqaabo difaacista hantida iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madasha.

Sidoo kale, Madasha Samatabixinta waxay ugu baaqday Madaxweynaha inuu joojiyo boobka iyo barakicinta shacabka Muqdisho, halka shacabka Soomaaliyeedna loogu baaqay inay si mideysan ugu istaagaan difaaca dhulkooda iyo hantidooda.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Isgaarsiinta oo Geneva kaga qaybgalay shir looga hadlayo horumarinta Dhijitaalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo Muhiim ah

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

M/weyne Xasan Shiikh oo ka qeybgalaya tababar loo soo xiray saraakiil cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Kuuriyada Waqooyi oo xoojinaysa nukliyeerkeeda iyo ciidamadeeda

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dalkaasi uu...

Toogasho ka dhacday meel u dhow goobta lagu aasay hoggaamiyihii hore ee Iiraan

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles