Mucaaradka oo weli ku adkeysanaya in ay Banaanbax ku qabtaan Muqdisho

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga socda abaabul lagu diyaarinayo dibadbax ay ku baaqeen siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Banaanbaxan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana mucaaradku sheegeen inuu yahay mid looga soo horjeedo, sida ay hadalka u dhigeen, barakicinta iyo dhul boobka ay dowladda ku heyso shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay abaabulkaasi, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah isla markaana laga digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii la isku dayo in si qasab ah loo qabto.

Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in dibadbaxoodu uu dhici doono berri oo Khamiis ah, isla markaana ay wadaan qabanqaabadii ugu dambeysay. Kulamo iyo qorsheyn siyaasadeed oo lagu sii amba-qaadayo abaabulkaasi ayaa xalay iyo saaka ka socday Muqdisho.

Indhaha siyaasadda dalka ayaa hadda ku jeeda tallaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya, haddii mucaaradku isku dayaan inay si toos ah banaanbax uga dhigaan magaalada, xilli xiisad siyaasadeed oo cusub ay u muuqato mid cirka isku shareertay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles