Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Wararka ka imaanaya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.

Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qaasin Abdi Hassan kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas waxay ku dhex toogteen  gudaha dukaankiisa oo ku yaalay deegaanka Philipi oo ka mid ah deegaanada ugu khatarta badan dhanka burcada beegsata ganacsatada Soomaalida.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Koofur Afrika ayaa saacado kadib tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano la xiriira falkaas, hayeshee lama soo warin cid ay u soo qabteen dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.

Dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika ayaa si aad ah u kordhay maalmahan dambe mana jirto wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay dhibaatooyinkan soo noqnoqday ee lagu beegsanayo nafta iyo maalka Soomaalida dalkaas ka dhex shaqeysata.

Sanad kasta Soomaalida aad u badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, hayeshee ma muuqato wax talaabo amni ah oo ay qaadeyso dowladda Koofur Afrika si loo yareeyo dhibaatada sii kordheysa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles