Wednesday, March 4, 2026

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Koox Burcad Koonfur Afrikan ah oo hubeysnaa ayaa waxaa ay xalay xaafada ay Soomaalida degan tahay ee magaalada Johannesburg ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Dhalinyarada ka Shaqeysata dalkaas.

Alle ha u naxariistee muwadinta Soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cabdiraxmaan Siyaad.

Muwaadinkan ayaa lagu dilay banaanka dukaan uu ka Shaqeeysanayay oo ku yaala dalka Koofur Afrika.

 Ciidamo ka tirsan Booliiska Magaalada Johannesburg oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo burcadii ka dambeeysay, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay howlgallo xoogan.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa dalka koofur afrika lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed, tani ayaa waxaa ay ka dhigan tahay in ay sii kordhayaan dilalka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed.

 Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa dhibaatooyin badan waxaa ay kala kulmaan kooxaha burcad ah.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa sanad walba si joogta ah uga dhaca, dilka, dhaawaca iyo Boobka lagu haayo Soomaalida, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid xil iska saartay waxka qabashada falalkaas.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles