Thursday, June 19, 2025

RW Xamsa oo maanta mashaariic dhowr ah ka dhagax dhigay Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha, oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.

Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:

𝟏. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.

𝟐. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐋𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝.

𝟑. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.

𝟒. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐬𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐲𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝.

𝟓. 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐤𝐚𝐚𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐮𝐡𝐨𝐨𝐝𝐥𝐞.

𝟔. 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.

𝟕. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 (𝐒𝐎𝐃𝐌𝐀).

  1. 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨( 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞 𝐇𝐨𝐮𝐬𝐞 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥).

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimkq qh ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto musqablka.

WARARKII KALE

Israa’iil oo dil ugu hanjabtay hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee...

DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd...

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil...

Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles