Wednesday, March 4, 2026

Muxuu ka yiri MW Xasan Sheekh Doorashada guddoonka ee Baarlamaanka Waqooyi Bari.?

Madaxweynaha  Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya danta shacabka iyo horumarinta deegaanka.

“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey xildhibaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uuna u rajeeyey in Alle ku guuleeyo shaqada harsan ee doorashada iyo dowladnimada.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles