RW Xamsa oo Hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, kaas oo maanta lagu doortay Laascaanood.

Raiisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryay Guddoomiyaha cusub in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo doortay, oo ay kamid yihiin dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulka.

Mudane Xamsa ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillada sida ay uga soo dhalaaleen

mas’uuliyaddooda, isagoo xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto taageerada iyo taabbagelinta maamulka, si wadajir loogu xaqiijiyo howlaha ka dhimman maamulka dhammeystirkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalku ay dadaal badan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta maamulka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo u taagan xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles