Thursday, October 23, 2025

MW Axmed Madoobe oo la kulmay ciidamo ka tirsan Jubbaland oo dagaal adag la galay Al-shabaab

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidamada Gurmad Qaran ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland, iyo sidoo kale Ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay howlgallo guulo waaweyn laga gaaray ka fulinayay qeybo badan oo ka tirsan Jubaland.

Howlgalladaasi ayaa lagu naafeeyay kooxaha Khawaariijta, iyadoo lagu burburiyay saldhigyo iyo qorshayaal khatar ku ahaa nabadda iyo amniga shacabka Jubaland.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay geesinimada, dadaalka naf-hurnimada ah iyo masuuliyadda culus ee ay ciidanku u hayaan difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in guulaha laga gaaray howlgalada ay farxad iyo yididiilo u horseedeen shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay muhiim tahay in la sii dardar geliyo howlgallada ilaa laga ciribtirayo kooxaha Khawaariijta ee cadowga ku ah dalka iyo dadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles