Friday, November 7, 2025

MW Xasan Sheekh iyo dhigiisa Masar Al-Sisi oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal iyagoo si qotodheer iskula soo qaaday dardargalinta isku xirka labada shacab, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi sheegay in ay dhawaan dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho xarun Safaaradeed oo muujin doonto mudnaanta ay siinayaan xiriirka iskaashi ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay doorka firfircoon ee Masar ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblumaasiyadda, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari, waxa ayna isla qaateen Labada Dowladood in la dardargeliyo fulinta heshiiskii iskaashi ee ay wada saxiixdeen Agoosto 2024.

Dhankiisa, Madaxweynaha Masar ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka argagixisada, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee xoojinta midnimada, amniga, iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Masar, isagoo uga mahadceliyay martiqaadka diirran ee ay kuu qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles