MW Axmed Madoobe oo la kulmay ciidamo ka tirsan Jubbaland oo dagaal adag la galay Al-shabaab

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidamada Gurmad Qaran ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland, iyo sidoo kale Ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay howlgallo guulo waaweyn laga gaaray ka fulinayay qeybo badan oo ka tirsan Jubaland.

Howlgalladaasi ayaa lagu naafeeyay kooxaha Khawaariijta, iyadoo lagu burburiyay saldhigyo iyo qorshayaal khatar ku ahaa nabadda iyo amniga shacabka Jubaland.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay geesinimada, dadaalka naf-hurnimada ah iyo masuuliyadda culus ee ay ciidanku u hayaan difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in guulaha laga gaaray howlgalada ay farxad iyo yididiilo u horseedeen shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay muhiim tahay in la sii dardar geliyo howlgallada ilaa laga ciribtirayo kooxaha Khawaariijta ee cadowga ku ah dalka iyo dadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles