Al-shabaab oo gudaha u galay degmada Moqokori iyo wararkii ugu dambeeyay

Xaaladda degmada Moqokori iyo degaanada la xiriira ayaa kacsan, iyadoo warar dheeraad ah laga helayo dagaalo culus oo saaka ka qarxay halkaasi.

Weerarka hore ayaa ka dhacay gudaha xarunta degmada Moqokori, kaasoo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiye ah, kaasoo lagu wareeray xaruntii ciidamada dowladda iyo kuwa Macawisleyda Gobolka Hiiraan.

Weerarka labaad oo ahaa mid toos ah ayaa ka dhacay degaanka Gumarre ee duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas maalmahan dagaalo qaraar ku dhex marayeen labada dhinac.

Dagaal xooggan oo la xaqiijiyay inuu ilaa iminka socdo ayaa sheegay in maleeshiyada Al-shabaab gudaha u galeen degmada Moqokori. Sida ay noo sheegeen Saraakiisha ciidamada degaanka, wuxuu dagaalku ka socdaa gudaha Moqokori.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay Moqokori ayna ku dishay in ku dhow 50 askari, balse ma jirto cid xaqiijisay sheegashadan, iyadoo aanay weli wax war ah oo rasmi ah kasoo bixin dowladda Federaalka, Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

War saaka lagu qoray warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ay ka hortageen weerar Khawaarijtu ay maanta ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, isla markaasina lagu jebiyay oo firxadkooda la sii baacsanayo.

Khasaare badan ayaa ka dhashay dagaalkan, waxaana lasoo weriyay in xubno ka tirsan macaawisleyda Gobolka Hiiraan oo ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaayaal caan ka ah gobolka Hiiraan.

Degmada Moqokori ayaa ah istaraatiiji, iyadoo  xiriirisa gobalada Hiiraan, Shabeelada dhexe iyo Galgaduud, Waxay xarun u ahayd isu gudbinta sahayda iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo Macaawisleyda deegaanka ka hawlgala.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles