Friday, March 13, 2026

MW Deni oo ganacsada kala hadlay la dagaalanka kooxda Daacish.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Ganacsatada Puntland, Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxweynaha, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Puntland , Rugta Ganacsiga, Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Boosaaso, Saraakiisha Amniga iyo Ganacsato.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ganacsatada warbixin ku saabsan halka uu marayo Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyadoo ujeedku yahay in Argagixisada laga sifeeyo Puntland .

“Ujeedku waa in Argagixisada laga sifeeyo Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow, Argagixisadii dadka buuraha kasoo handadi jiray wa u jedaan Ciidankeena buuraha ugu dhacay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

“Muhiimada Kulanku waxay aheyd Maanta wixii ka danbeeya dhegdheer in ay dhimatay in aan isu sheegno, Cabsi danbe jirin, lacag danbe aan la bixin, qofna uusan isu soo kiin humbaaleyn karin!” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey bulshada Puntland isku duubnida iyo garab istaaga ay muujiyeen intii hawlhalka socday, isagoo xusay in ganacsatadu kaalintooda qaataan oo guulaha la gaaray isbedelkoodu uu ka muuqdo magaalooyinka, horumarka, ganacsiga iyo bilicda dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles