Wednesday, February 25, 2026

MW ku xigeenka Jubbaland oo dacwad ka dhan ah DFS u gudbiyay Q.M oo ku aadan Arrinta Gedo

Dowladda Jubbaland ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Qaramada Midoobay, taas oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay faragelin toos ah iyo burburin lagu hayo maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo ku sugan gobolka Gedo, ayaa kulan fogaan-arag ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee gobolka Gedo iyo saameynta ka dhalatay ficillada dowladda Federaalka.

Madaxweyne ku-xigeenku ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay wado qorshe “guracan” oo lagu wiiqayo amniga gobolka, lagu xayirayo garoomada diyaaradaha, isla markaana lagu joojiyay mashaariicdii iyo adeegyo muhiim ah oo bulshada gobolka Gedo ay ku tiirsanaayeen.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale la falanqeeyay arrimaha dib-u-heshiisiinta beelaha ee degmada Luuq, halkaas oo ay muddo dheer ka jirtay colaado sokeeye. Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday inay gacan ka geysan doonto gogol nabadeed oo la qorsheeyay in lagu qabto degmada Luuq bil gudaheed.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa uga digay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay “cawaaqib xumo siyaasadeed iyo amni” oo ka dhalan karta ficillada dowladda Federaalka, isagoo sheegay in kooxda Villa Soomaaliya ay ka leexatay dastuurkii federaalka ee lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo shacabka reer Jubbaland inay mideeyaan codkooda oo ay ka hortagaan, sida uu hadalka u dhigay, “qorshaha guracan ee kooxda Muqdisho”, isagoo carrabka ku adkeeyay in “shakhsiyaad dano gaar ah leh aysan go’aamin karin masiirka shacabka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles