Maxaa ka cusub Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee la afduubtay degmada Buula-burde?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ee xalay lagu afduubtay degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa saaka la helayo ayaa sheegaya in la sii daayay seddexda xubnood ee la tirsan Guddiga Doorashooyinka.

Afduubka raggan ayaa waxaa la sheegay in ka dambeeyeen kooxo hubeysan, kuwaasi oo ka soo horjeeday hirgelinta doorashada qof iyo cod, taasoo Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in lagu qabto qeybo ka mid ah dalka.

Afduubka ayaa si degdeg ah u abuuray walaac iyo cabsi ka taagan gobolka, iyadoo xaaladda xubnaha la afduubtay ay weli tahay mid aan la caddeyn.

Sidoo kale waxaan la hubi  illaa iyo  hadda halka ay ku sugan yihiin ama xaaladdooda caafimaad.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan muranka iyo xiisadaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo qaar ka mid ah beelaha iyo ururada siyaasadeed ay muujinayaan  shakisan weyn ee ku aadan qorshaha doorashada iyo awoodda guddiga doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka shaqeyneysa sidii loo xoojin lahaa amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa in doorashada qof iyo cod ay si nabadgelyo ah u dhacdo, iyadoo xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafaadka doorashada ay dhibaatooyin ku yihiin xasilloonida guud ee dalka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles