Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka hadlay mowqifka Puntland ee ku aaddan midnimada Soomaaliya, xilli dhawaan ay soo baxeen warqado Puntland ay u dirtay Qaramada Midoobay oo ay ku jireen hadallo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland.
Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa si cad u sheegay in Puntland aysan ka go’ayn Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in maamulkaasi doonayo inuu noqdo dal ka madax-bannaan Soomaaliya.
“Puntland kama go’eyso Soomaaliya, kamana go’i doonto,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo qaabka loo wajahayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland wuxuu sidoo kale muujinayaa in maamulka Puntland uu sheeganayo inuu qayb ka yahay Soomaaliya, inkastoo uu khilaaf siyaasadeed oo xooggan kala dhexeeyo Dowladda Federaalka.


